Muqdisho – Dabeelaha xooggan iyo roobabka xagaaga ee ka da’aayay Xeebaha Soomaaliya maalmihii lasoo dhaafay ayaa sababay shilal isdaba joog ah oo saameyn weyn ku yeeshay dadka u dalxiis taga xeebaha dalka, gaar ahaan dhalinyarada u dabaal tagta badda.
Goor gabal dhacii shalay ah, waxaa masiibo ka dhacday Xeebta Muqdisho, gaar ahaan dhinaca deegaanka Jazeera, kadib markii hirar xooggan oo ka dhashay dabaylaha badda ay liqeen dad tiro badan oo dhalinyaro u badan, kuwaas oo maalintaasi u dabaal tegay xeebta.
Wararka laga helayo ehelada dadka waxyeelada soo gaartay ayaa sheegaya in labo wiil oo walaalo ah ay ka mid noqdeen dadkii badda la tagtay. Mid ka mid ah wiilashaasi ayaa la xaqiijiyey inuu geeriyooday, halka midka kalena badda laga soo badbaadiyey isaga oo miyir daboolan.
Cabdullaahi Xidig, oo ah ehelka wiilashaas, ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in wiilka geeriyooday meydkiisa la helay, halka kan kale haatan lagu dabiibayo goob caafimaad.
“Waxaan codsaneynaa in dowladda iyo hay’adaha amniga ay si deg deg ah u xoojiyaan feejignaanta iyo digniinaha la xiriira baddu markay kacsan tahay. Dhalinyarada iyo dadka dalxiisayaasha ahna waa in ay taxaddar muujiyaan, maadaama xaaladda badda aysan hadda degganeyn,” ayuu yiri Cabdullaahi Xidig.
Waxaa la filayaa in Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha gurmadka deg-degga ah ay war rasmi ah kasoo saaraan xaaladaha badda iyo digniino la xiriira roobabka iyo dabeelaha xagaaga ee socda.




