Cali Daahir Ciid oo Iska Diiwaan-geliyay NIRA Si Uu u helo Kaarka Aqoonsiga Qaranka

0

DHUUSAAMAREEB, Soomaaliya – Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa maanta si rasmi ah isaga diiwaan-geliyey magaalada Dhuusaamareeb, si uu u helo Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA).

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu shacabka Galmudug ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursaddan muhiimka ah oo ay iska diiwaan geliyaan xarumaha loo asteeyay, si ay u helaan kaarka aqoonsiga oo muhiim u ah helista adeegyada aasaasiga ah.

“Bulsho kasta oo caalamka ku nool waxay leedahay wax lagu aqoonsado dhalashadeeda iyo muwaadinimadeeda. Adeeg kastana waxaa lagu bixiyaa aqoonsi. Marka Kaarka Aqoonsiga Qaranka wuxuu muhiim u yahay qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah,” ayuu yiri Mudane Cali Daahir Ciid.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in helitaanka kaarka aqoonsiga uu sare u qaadayo isku-xirka adeegyada dawladeed, isla markaana uu gacan ka geysanayo sugidda amniga iyo qorsheynta horumarka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ugu dambeyn shacabka ku nool dhammaan deegaannada Galmudug ku dhiirrigeliyay inay si degdeg ah isaga diiwaan geliyaan, si ay qayb uga noqdaan nidaamka casriga ah ee aqoonsiga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here