Wafdi Milatari oo Sare oo Kulamo kawada magaaladda Muqdisho

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaa shalay magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi milatari oo sare oo ka socda dowladda Masar, kuwaas oo ka kooban 16 sarkaal oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

 

Wafdigan ayaa u yimid Muqdisho booqasho rasmi ah oo la xiriirta diyaarinta saldhigyada la dejinayo ciidamo Masar usoo dirayso Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee taageerada nabadda iyo xasillinta Soomaaliya, oo loo yaqaan “AUSSOM”.

Wafdiga waxaa hoggaaminaya Jeneraal Islam Ridwaan, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika iyo saraakiil ka socday ciidamada dowladda Soomaaliya.

Intii ay joogeen, waxay la kulmeen madaxda howlgalka Midowga Afrika iyo danjiraha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Xaaji Ibraahim Diin. Sidoo kale, waxay ka qayb galeen kulan amni oo muhiim ah oo ka dhacay xarunta dhexe ee ciidamada AUSSOM ee Muqdisho.

Wafdigan ayaa lagu wadaa in ay maalmaha soo socda kormeero ku tagaan goobo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho iyo deegaanno kala duwan, si ay u qiimeeyaan goobaha ay degi doonaan ciidamada Masar marka ay ku soo biiraan howlgalka.

Ilaa 1,100 askari oo Masri ah ayaa la filayaa in lagu beddelo ciidamada Burundi ee ka baxaya Soomaaliya, iyadoo lagu wadaa in ciidamadan la geeyo saddex saldhig oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe. Qorshuhu waa in gebi ahaanba la dhammeeyo keenista iyo dejinta ciidamadaas dhammaadka sanadka 2025.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Masar ay ku dooneyso in ay kaalin ka qaadato nabadeynta Soomaaliya, iyo sidoo kale in ay xoojiso doorkeeda gobolka Geeska Afrika, xilli uu jiro loolan siyaasadeed iyo mid istaraatiji ah oo ka socda gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here