Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxa Bisha Cas ee Qatar oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga gargaarka bini’aadantinimo

0

MUQDISHO, Seb 1, 2025  – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar ee Soomaaliya, Axmed Aadan Xamiid, iyagoo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga labada hay’adood.

 

Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa lagu lafaguray sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta ku aaddan ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, iyo horumarinta adeegyada gargaarka bini’aadantinimo ee loo fidiyo bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka hadlay kor u qaadista tayada shaqaalaha SoDMA, gaar ahaan dhanka tababarrada iyo xirfadaha ay u baahan yihiin si ay si degdeg ah ugaga jawaabaan xaaladaha masiibooyinka iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo.

Axmed Aadan Xamiid, Madaxa Bisha Cas ee Qatar xafiiskeeda Soomaaliya, ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee ay SoDMA ku bixiso wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, isagoo ballanqaaday in hay’addiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso SoDMA, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, adeegyada degdegga ah iyo caawinta dadka nugul.

Dhankiisa, Guddoomiye Maxamuud Cabdulle ayaa muujiyey sida ay muhiim u tahay iskaashi joogto ah oo dhex mara hay’adaha samafalka iyo dowladda, isagoo sheegay in wada-shaqeynta labada hay’adood ay horseedi karto xal waara oo wax ku ool ah oo lagu yareeyo nuglaanta bulshada Soomaaliyeed.

SoDMA ayaa sheegtay inay sii wadayso dadaallada lagu xoojinayo xiriirka hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah si loo xaqiijiyo badbaado, horumar iyo u diyaar garow masiibooyinka mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here