Cali Xoosh: Si Guul Leh baan ku dhameynay dhismaha Maamulka Waqooyiga Bari ee Soomaaliya

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la dhammeystiray hannaanka dhismaha Maamulka Waqooyiga Bari, kaas oo ka kooban gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, una gudbay heer rasmi ah oo federaal ah.

 

Hannaankan oo dowladda ku sheegtay inuu ahaa mid ku dhisan “talo wadaag, dulqaad, iyo go’aan adag,” ayaa si rasmi ah u billowday sanadkii hore, xilligaasoo hogaamiyeyaasha deegaanka ay sameeyeen maamul ku meel gaar ah oo loo yaqaanay SSC-Khaatumo.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, tallaabooyinkii muhiimka ahaa ee la qaaday waxaa ka mid ahaa: ansixinta dastuurka maamulka cusub oo ka dhacday shir weyne lagu qabtay 30-ka Luulyo 2025, doorashada baarlamaanka maamulka oo la qabtay 17-ka Agoosto, doorashada guddoonka baarlamaanka oo dhacday 23-ka Agoosto, iyo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka oo la qabtay 30-ka Agoosto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Xoosh, ayaa sheegay in uu 53 maalmood ku sugnaa magaalada Laascaanood si uu ula socdo geeddi-socodka dhismaha maamulka, isagoo uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka, culimada, bulshada rayidka ah iyo shacabka deegaanka doorkii ay ka qaateen hannaanka dhismaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale ammaan u jeedisay Guddiga Farsamada ee Dhismaha Maamulka, kuwaas oo fududeeyay wada-tashiyada iyo kalsoonida bulshada ee hannaanka dhismaha.

Bayaanka dowladda ayaa ku tilmaamay dhismaha Maamulka Waqooyiga Bari “guul weyn oo u soo hoyatay dadka deegaanka, iyo astaan ka tarjumeysa midnimo, wadajir iyo xoojinta nidaamka federaalka ee dalka.”

Sabtidii, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kadib markii loo doortay madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen cusub ee maamulka Laascaanood.

Firdhiye, oo horey u ahaa hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee SSC-Khaatumo, ayaa loo doortay madaxweynenimada kadib markii musharixiinta kale ay isaga hareen tartanka, isla markaana xildhibaannadu dib u habeeyeen codkooda.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo horey uga tirsanaa Baarlamaanka Puntland, isla markaana caan ku ah suugaanta iyo xiriirka dhow ee uu la leeyahay Firdhiye, ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka maamulka cusub.

Inkasta oo doorashadu dhacday si nabad ah, haddana qaar ka mid ah mucaaradka iyo falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay si dadban u faragelisay geeddi-socodka, iyagoo ku tilmaamay labada hoggaamiye kuwo uu si cad u taageerayay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here