Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Merete Dyrud.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada bini’aadantinimada iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada wax looga qabanayo musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa ay sababaan bini’aadamku.
Marwo Merete Dyrud ayaa muujisay sida Dowladda Norway uga go’an tahay taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan la tacaalidda caqabadaha bini’aadantinimo.
Waxay ballanqaadday kordhinta taageerada, iyadoo xustay in la dardar-gelin doono adeegyada gargaarka degdegga ah iyo taageerada bulshada nugul.
Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Norway kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso taageerada joogtada ah ee Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in taageeradaasi ay si weyn uga qeyb qaadato dhismaha awoodda dalka ee wax ka qabashada musiibooyinka iyo horumarinta bulshada.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday isfahan iyo ballanqaad lagu xoojinayo wada-shaqeynta labada dhinac, iyagoo muujiyay go’aankooda ku aaddan sidii si dhow looga wada shaqeyn lahaa wax ka qabashada arrimaha bini’aadantinimo iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.




