MUQDISHO, 2 Sebteembar, 2025 – Iyadoo ay wali socdaan howlgalada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku la wareegayso dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho, ayaa hadda la saadaalinayaa in wejiga xiga ee howlgalka uu saameyn doono dad shacab ah iyo saraakiil ciidan oo degan xaafadda Warshadda Caanaha.
Siyaasiga Cabdicasiis C/llaahi Warsame, oo ka tirsan Madasha Mucaaradka ee Samatabixinta Qaranka, ayaa sheegay inay heleen xog sugan oo muujineysa in dadka deegaankaasi laga saari doono guryahooda dhowaan, taasoo qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu sheegayo soo celinta dhulalka danta guud.
“Waxaa nasoo gaaray xog xaqiijinaysa in dowladda ay qorsheyneyso in markale la barakiciyo shacabka iyo saraakiisha ku nool Warshadda Caanaha. Arrintan waa mid aad looga walaacsan yahay, maadaama aysan jirin wax xalal degdeg ah oo dadkaasi loo diyaariyey,” ayuu yiri C/casiis Warsame.
Madasha Samatabixinta Qaranka, oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah, ayaa maalmahan Muqdisho ka waday kulammo joogto ah oo ay la yeelanayaan qoysaska iyo dadka danyarta ah ee saameynta xooggan ku yeeshay barakicinta ay wado dowladda.
Howlgalladan ayaa si weyn u saameeyay kumannaan qof oo danyar ah, kuwaas oo aan heysan hoy kale, islamarkaana muddo dheer la kulmayey beegsi iyo cadaadis aan turid lahayn, sida ay sheegeen dad deegaanka ah iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha.
Dowladda federaalka ayaa horay u sheegtay in dhulka danta guud la soo celinayo si loogu adeego shacabka, balse wali ma aysan caddeyn qorshayaasha dib u dejinta dadka barakacaya ama cidda si toos ah loogu wareejinayo dhulalka la qaaday.




