Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

CAPE TOWN, 2 Sebteembar, 2025 – Wararka laga helayo Koonfur Afrika, gaar ahaan magaalada Cape Town, ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Fitaax Maxamuud Beeryare, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

 

Alle ha u naxariistee, marxuumka ayaa lagu toogtay dukaan uu ka shaqeynayay oo ku yaalla xaafad ka tirsan deegaanka Wesbank ee magaalada Cape Town. Koox burcad ah oo hubeysan ayaa la sheegay inay gudaha u galeen dukaanka xilli uu shaqeynayay, islamarkaana si toos ah u toogteen, kadibna goobta ay ka baxsadeen.

Ciidamada booliska Koonfur Afrika iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, halkaas oo ay ka socoto baaritaan la xiriira dhacdada.

Soomaalida ku nool Cape Town ayaa sheegay in dilalka joogtada ah ee lagu bartilmaameedsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ay noqdeen arrin walaac xooggan leh, iyadoo aan weli la arag cid si dhab ah uga jawaabeysa ama cadaalad u raadinaysa.

“Waxaa nagu adkaatay inaan mar walba maqlo qof Soomaaliyeed oo si naxariis darro ah loogu dilo goobtiisa ganacsi, mana jirto wax tilaabo ah oo dowladeed oo arrintan wax ka qabaneysa,” ayuu yiri mid kamid ah xubnaha jaaliyadda oo codsaday in magaciisa la qariyo.

Dilalkan ayaa kusoo beegmaya xilli horay dhowr muwaadin Soomaaliyeed loogu dilay deegaannada hoostaga Cape Town, iyada oo kiisaskii hore ee dilalka badankood aysan gaarin meel cadaaladeed ama aysan jirin cid loo xiray.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa marar badan codsatay in la xoojiyo amniga, loona sameeyo qorshe lagu sugo badqabka dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here