Cabdi Barre Jibriil oo soo dhaweeyay doorka mucaaradka ee samatabixinta dalka

0
Cabdi Barre Jibriil

Muqdisho – Xildhibaan hore oo katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Barre Jibriil, oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Shabelle, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee haatan ka jirta dalka.

 

Cabdi Barre Jibriil ayaa bogaadiyay kulamada ay Muqdisho ka wadaan hogaamiyaasha Mucaaradka, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin dadaallo lagu badbaadinayo waddanka, lagana hortagayo jihada qarda-jeexa ah ee uu dalku u socdo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan aad u soo dhoweynayaa dadaallada ay wadaan mucaaradka, gaar ahaan kulamada ay isugu imaanayaan si ay uga tashadaan xaaladda adag ee dalku ku sugan yahay. Tani waa tallaabo wanaagsan oo muujinaysa in weli ay jirto rajo siyaasadeed iyo damiir qaran oo ka shaqeynaya samatabixinta dalka,” ayuu yiri.

Kulamada mucaaradka ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii kordhayo walaaca laga qabo jihada uu dalka u socdo, iyadoo mucaaradka ay todobaadyadii la soo dhaafay Muqdisho ka wadeen kulamo siyaasadeed oo ay kaga arrinsanayaan mustaqbalka Soomaaliya iyo doorka ay dowladda federaalka ka ciyaarayso xaaladda jirta.

Xildhibaanka hore, ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay dheg jalaq u siiyaan cabashooyinka iyo talooyinka kasoo baxaya qeybaha kala duwan ee bulshada, si looga fogaado in dalka uu galo qalalaase siyaasadeed oo hor leh.

Villa Somalia ayaa heshiis dhawaan la gashay qaar kamid ah hogaamiyaasha Mucaaradka, kuwaasoo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid Sharmarake, kuwaasoo taageeray qorshaha doorashada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here