Puntland oo Guulo ka sheegatay dagaalka Daacish ee ka socda Buuraha Calmiskaad

0

BOOSAASO – Ciidamada Puntland ayaa bilooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u qaadayay dagaallo culus oo ka dhan ah kooxda Daacish, kuwaas oo horseeday guulo waa weyn oo dhanka amniga ah.

 

War kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ay dileen tiro badan oo kamid ah dagaalyahanada Daacish, isla markaana ay la wareegeen deegaano istiraatiiji ah oo kooxda gacanta ku heysay.

Intii uu socday gulufka milatari, ciidamada Puntland ayaa si buuxda ula wareegay deegaanno muhiim ah oo ku yaalla buuraha Cal Miskaad, oo loo arkayay in ay ahayd xudunta ugu weyn ee Daacish ee gudaha Soomaaliya.

Maalmihii ugu dambeyay, ciidamada ayaa sii xoojiyay howlgalada ay ku beegsanayaan goobaha yar yar ee kooxda kaga sugan tahay gobolka Bari, gaar ahaan dhulka buuralayda ah.

Taliyaasha Ciidamada Puntland waxay sheegeen in howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanada Ceelasha Burti-Cise iyo Af-ka Dharimood ee togga Baallade uu kusoo dhammaaday guul buuxda. Sida lagu sheegay warkaasi, ciidamada ayaa ku dilay ku dhowaad 15 xubnood oo ka tirsan Daacish.

Guutooyinka kala duwan ee ciidamada difaaca Puntland oo si wadajir ah u fuliyay weerarka ayaa sidoo kale howlgallo xooggan ka sameeyay Ceelasha Ilaalo Yar iyo Ilaalo Weyn, halkaas oo ay ku dileen dagaalyahano kale oo Daacish ah.

Dowladda Puntland ayaa baraha bulshada ku baahisay sawirrada maydadka xubnaha Daacish ee lagu dilay howlgalkaasi.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Puntland ay ku doonayso in ay gabi ahaanba uga saarto kooxda Daacish deegaanadeeda, waxaana tan iyo bilooyinkii u dambeeyay si joogto ah u socda hawlgallo guulo leh oo ciidamada Puntland ay ku bartilmaameedsanayaan xarumaha iyo xubnaha kooxdaasi.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan ka hari doonin dagaalka illaa ay ka suuliso guud ahaan jiritaanka kooxda Daacish ee gobollada ay maamulaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here