Bahrain oo ka taageeraysa Soomaaliya dhismaha deked cusub iyo garoon diyaaradeed oo casri ah

0

Jiddah, 4 September 2025 – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Jiddah Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta ee Boqortooyada Baxreyn, Dr. Shaikh Abdullah bin Ahmed Al Khalifa, xilli uu socday Shirweynaha Meertada Labaad ee Sancada Gaadiidka Badda.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Baxreyn, iyadoo lagu lafaguray fursadaha iskaashi ee dhinacyada dekedaha, gaadiidka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Baxreyn sida dowladda Baxreyn ay u muujisay taageerada ay u hayso dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabayaasha muhiimka u ah isku xirka gudaha iyo dibedda dalka.

Labada wasiir ayaa si gaar ah uga wada hadlay mashruucyo ay ka mid yihiin dhismaha deked cusub iyo garoon diyaaradeed oo casri ah, kuwaas oo lagu dhisayo taageero iyo maalgelin caalami ah, si loo kobciyo dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale fursad u noqday xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen is-afgarad ku aaddan horumarinta iskaashi waara oo ku saleysan danaha labada shacab.

Wasiirradu waxay balan qaadeen inay sii wadi doonaan wada-hadallada iyo iskaashiga dhabta ah ee lagu horumarinayo adeegyada gaadiidka, dekedaha, iyo isgaarsiinta, si Soomaaliya ay uga faa’iidaysato kaalinteeda juquraafiyeed ee istiraatiijiga ah ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here