NISA oo sheegtay in Al-Shabaab Sarkaal looga dilay Howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Muqdisho, 4 Sebtembar 2025 – Taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA) ayaa shaaciyay dilka horjoogeyaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.

 

Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka ay fuliyeen ciidanka sirdoonka Soomaaliya oo kaashanayay saaxiibada caalamiga ah, isla markaana uu u dhacay sidii loogu talagalay, iyadoo lagu dilay horjoogeyaal muhiim ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

“Horjoogeyaasha lagu dilay howlgalka waxa ay kala yihiin: Cabdullaahi Xasan Cumar, oo u qaabilsanaa Khawaarijta qeybta Amniyaadka ee Hirshabeelle; Cusaam – oo ka tirsanaa qaybta maaliyadda; iyo laba horjooge kale oo kala ah Qudaame Dheere iyo Cabdul Ladhiif,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay NISA.

Howlgalka, oo ka dhacay deegaanka Shaw – meel ay muddo dheer ka talinayeen kooxda Al-Shabaab – ayaa sidoo kale lagu dilay ku dhawaad toban xubnood oo kale oo ka tirsanaa maleeshiyada.

NISA ayaa ku tilmaamtay howlgalka mid guul weyn u ah dadaallada socda ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale lagu carabka ku dhuftay in ay sii socon doonaan howlgalada noocan oo kale ah oo lagu beegsanayo xubnaha sare ee kooxda.

Howlgallada noocan oo kale ah ayaa qayb ka ah istiraatiijiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah ee weli ka hawlgala qeybo ka mid ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here