Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi dhanka isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda hawada sare

0

Riyadh, 4 Sebtembar 2025 – Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya, Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta, Dayax-gacmeedka iyo Teknoolojiyadda ee Boqortooyada Sacuudiga (CST), Haitham Alohaly.

 

Wadahadalkooda ayaa dhacay xilli uu ka qeyb-galay Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-25) ee ka socota magaalada Riyadh.

Kulanka labada masuul ayaa diiradda lagu saaray dhisidda iskaashi istiraatiiji ah oo dhexmara labada hay’adood, si gaar ahna loogu shaqeeyo wada-hawlgal ballaaran oo ku saabsan nidaaminta garaadka macmalka ah (AI), horumarinta teknoolojiyadda hawada sare, iyo wadaagista kaabayaasha dhanka isgaarsiinta.

Mas’uuliyiintu waxay ka wada hadleen fursadaha labada dhinac ay ka faa’iidi karaan, iyagoo xusay muhiimada ay leedahay in la helo hab-raac mideysan oo lagu horumariyo tiknoolojiyadda casriga ah si waafaqsan xeerarka amniga, maalgashiga, iyo horumarka teknoolojiyadda ee gobolka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan dhinacyada isgaarsiinta, xog-is-weydaarsiga tiknoolojiyadda, iyo hormarinta adeegyada dhijitaalka ah ee labada waddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here