Taliyaha Cusub ee AFRICOM oo ka Warbixiyay Xoojinta Iskaashiga Amniga Soomaaliya

0
Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha cusub ee Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Davgin Anderson, ayaa shalay booqashadiisii ugu horreysay ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulammo la yeeshay madaxda dowladda Federaalka iyo saraakiil ciidan.
Taliyaha ayaa wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda, kaas oo uu kaga hadlay arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhanka amniga Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay in uu fulinayo amar uu horey uga helay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kaasi oo la xiriira dib-u-habeynta qorshaha howlgalada Mareykanka ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.

General Anderson wuxuu sidoo kale caddeeyay in AFRICOM ay qorsheyneyso inay kordhiso iskaashiga ay la leedahay maamul goboleedyada dalka, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland, halkaas oo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ay weli saldhigyo xoog leh ku leeyihiin.

Tan iyo bilowgii sanadkan 2025, dowladda Mareykanka ayaa fulisay in ka badan 20 duqeyn oo ka dhacay gudaha Soomaaliya, kuwaasoo badankooda lagu beegsaday xarumo ay kooxda Daacish ku leedahay deegaanka Calmiskaad ee Puntland.

Booqashada Taliyaha cusub ee AFRICOM ayaa lagu macneeyay mid muujineysa sida Mareykanka uga go’an tahay taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo xasilinta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here