Jeddah, Sucuudi Carabiya – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Adeegyada Saadka ee Boqortooyada Sucuudiga, Mudane Dr. Rumaih Al-Rumaih, intii lagu guda jiray Shirweynihii labaad ee Caalamiga ah ee Gaadiidka Badda.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, gaar ahaan dhinacyada la xiriira isku xirka badda, adeegyada saadka (logistics), iyo fursadaha horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.
Wasiirka Soomaaliya ayaa kulanka ku soo bandhigay qorshayaal iyo mashaariic horumarineed oo ballaaran oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya wado, kuwaas oo ay kamid yihiin:
- Horumarinta dekedaha dalka,
- Dhismaha aag dhaqaale oo casri ah,
- Casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka dalka.
Mashaariicdan ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwa muhiim u ah kobaca dhaqaalaha dalka iyo fududeynta isku xirka ganacsiga gobolka.
Labada dhinac ayaa si wadajir ah u muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashi istaraatijiyadeed oo waara, kaas oo ka qayb qaadan kara xoojinta xiriirka dhaqaale, kobaca ganacsiga, iyo horumarinta gobolka guud ahaan.




