Fahfaahin ku saabsan Geeridii General Axmed Cadib ee Ciidamada Somaliland

0

HARGEYSA — Warar kala duwan ayaa ka soo baxay geerida General Axmed Cadib, oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee ciidamada maamulka Somaliland.

 

Meydka Generalka ayaa laga helay hotel lagu magacaabo Xaaji Ibraahim, oo ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa.

Illaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee geeridiisa, iyadoo wararka kasoo baxay xigtadiisa ay sheegeen in uusan jirin wax cudurro ah oo uu ku jiray, taasoo dhalisay shaki iyo su’aalo badan oo ku saabsan xaaladda geeridiisa.

Booliiska Somaliland ayaa bilaabay baaris degdeg ah oo ku saabsan dhacdadan, iyadoo hotelka lagu soo xoojiyay ciidamo booliis ah, halkaas oo boqolaal dadweyne ay isugu soo baxay.

Warar dheeraad ah ayaa la filayaa inta ay socdaan baaritaannada si loo ogaado sababta dhabta ah ee keentay geerida General Axmed Cadib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here