SoDMA oo Daah-furtay Shir Looga Hadlayay Xoojinta Doorka Haweenka ee Howlaha Gargaarka Bini’aadannimo

0

Muqdisho — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u daah-furay shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka bini’aadannimada ee dalka Soomaaliya.

 

Shirkan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha UN Women ee Soomaaliya, xubno ka tirsan Somali NGO Consortium, iyo wakiillo ka socday ururada bulshada rayidka ah.

Shirka ayaa xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-dubaridka u dhexeeya Ururada Haweenka (WLOs), Ururada Bulshada Rayidka ah (CSOs), iyo Hay’adda SoDMA, si loo hubiyo in howlaha gargaarka bini’aadannimo ay noqdaan kuwo waxtar leh, loo dhan yahay, islamarkaana si gaar ah uga jawaaba baahiyaha haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale, shirka waxaa lagu go’aamiyay in la dejiyo hannaan xiriir joogto ah oo u dhexeeya Ururada Haweenka iyo mas’uuliyiinta ka shaqeeya howlaha Gargaarka iyo Jinsiga (GiHA), taas oo abuuraysa fursado cusub oo wada-shaqeyn ah, isla markaana kor u qaadaysa la wadaagga xogaha muhiimka ah.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu horumariyo ka-qaybgalka haweenka ee howlaha horumarineed iyo kuwa samafalka, iyadoo la tixgelinayo kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.

May be an image of 5 people, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, newsroom, dais and text that says "COT GIZA"May be an image of 2 people, newsroom, dais and textMay be an image of 4 people, headscarf, dais and newsroomMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, dais and newsroom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here