Dilka Sarkaal Sare oo xiisad siyaasadeed ka dhex abuuray Somaliland iyo Puntland

0

HARGEYSA – Waxaa shalay laga helay maydka Sarkaal Sare Axmed Xuseen Caadib gudaha hotel ku yaalla magaalada Hargeysa, iyadoo booliska Somaliland ay sheegeen in marxuumka lagu arkay dhaawacyo xabado ah oo muujinaya in si bareer ah loo dilay.

 

Baaritaan hordhac ah oo boolisku sameeyeen ayaa lagu ogaaday in sarkaalka la toogtay, waxaana kiiskaas si weyn uga hadlay maamulka Somaliland, oo si toos ah farta ugu fiiqay hay’adaha sirdoonka Puntland, iyagoo ku eedeeyay in dilkaasi uu ahaa mid qorsheysan oo laga soo abaabulay dhinaca maamulka deriska ah.

Afhayeen u hadlay Somaliland ayaa sheegay in xogaha ay hayaan ay muujinayaan faro-gelin sirdoon ah oo lala xiriirinayo Puntland, isagoo tilmaamay in arrintani “ka baxsan tahay anshaxa iyo xiriirka ka dhaxeeya maamullada gobolka.”

Dhankooda, maamulka Puntland ayaa si degdeg ah uga falceliyay eedeyntaasi, iyagoo xalay fiidkii soo saaray war-saxaafadeed rasmi ah oo ay ku beeninayaan sheegashada kasoo yeertay Hargeysa.

Warsaxaafadeedka oo ay soo saartay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland ayaa lagu sheegay:

“Hay’adaha amniga ee Puntland kama shaqeeyaan khaarajin iyo dilal qorsheysan. Waxaan leenahay wada-shaqeyn dhow oo aan la leenahay hay’adaha amniga ee gobolka, oo ay ka mid tahay Somaliland. Sidaas darteed, ma jirto sabab ku kallifaysa xadgudub shaqsi ama mid maamul.”

Kiiskan ayaa si weyn u gilgilay amniga iyo xiriirka siyaasadeed ee labada dhinac, iyadoo aan weli la helin cid loo qabtay dilka sarkaalka.

Booliska Somaliland ayaa sheegay in baaritaannada ay socdaan, halka dadweynaha magaalada ay muujinayaan walaac ku saabsan amniga guud ee caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here