Galgaduud, 9 Sebtembar 2025 – Maleeshiyaad beeleed ka soo jeeda deegaanka Caabudwaaq ayaa weerar dhimasho iyo dhacba sababay ku qaaday deegaanka Billisokor oo hoostaga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay.
Weerarka ayaa sababay geerida Faadumo Axmed Cabdi, oo ahayd hooyo shan caruur ah korinaysay, iyada oo ku nooleyd daryeelka geel ay lahayd. Marxuumadda ayaa la dilay xilli ay la joogtay geelaasi, iyadoo lagu soo waramay in seygeedii dhowaan geeriyooday, taasoo ka dhigtay in ay kaligeed masuul ka noqoto nolosha caruurtaas agoonta ah.
Ehelka marxuumadda oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa sheegay in maleeshiyaadka weerarka fuliyay ay si bareer ah u toogteen Faadumo, isla markaana ay dhac kadeedan ah u geysteen xoolihii ay lahayd. Waxay sidoo kale sheegeen in geela la dhacay uu ka dhacay meel u dhexeysa Caabudwaaq iyo Cadaado.
“Waxay ahayd hooyo caruur agoon ah korinaysay. Ma jirin cid kale oo ay wax ka sugaysay. Falkan waa mid bani’aadantinimada ka fog,” ayuu yiri mid ka mid ah ehelada marxuumadda oo codsaday in magaciisa aan la shaacin.
Weerarkan wuxuu qeyb ka yahay dagaallo beeleedyo isdaba joog ah oo muddooyinkii u dambeeyay ka socday gobolka Galgaduud, kuwaas oo inta badan salka ku haya isqabqabsi dhuleed iyo xoolo, taasoo mararka qaar isu bedesha is-ugaarsasho beeleed.
Dad badan ayaa rumeysan in dagaallada noocan ah ee ka dhaca Galgaduud ay salka ku hayaan baahi dhaqaale, colaado qabiil iyo xukuumad la’aan ka jirta heer dowlad goboleed iyo mid federaalba, taas oo fursad siisay kooxaha hubeysan ee hubka sharci darrada ah ku maamula nolosha shacabka.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug ama dowladda Federaalka ee ku saabsan dhacdadan, iyada oo dadka deegaanka ay dalbanayaan in cadaalad degdeg ah laga helo, islamarkaana la joojiyo weerarada ku saleysan qabyaaladda ee kusoo badanaya gobolka.



