Algiers – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), iyo Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Ganacsiga Gudaha iyo Xeer-nidaaminta Suuqa Qaranka ee Aljeeriya, Mudane Tayyib Zitoni, intii lagu guda jiray Carwada 4-aad ee Ganacsiga Afrika oo ka dhacday magaalada Algiers laga bilaabo 4-ta ilaa 10-ka Sebtember 2025.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi ee labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo ganacsi iyo maalgelin ah oo labada dhinac ka faa’iideysan karaan.
Labada masuul ayaa ku heshiiay muhiimadda ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, wadaagista khibradaha, iyo kobcinta is-weydaarsiga ganacsiga si loo adkeeyo xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, kuwaasoo ah labo shacab walaalo ah.



