Ceel-dheer, Galgaduud – Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay waaberigii weerar culus oo dhowr jiho ah ku qaaday Degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay gacanta ku hayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.
Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo waaweyn oo lala beegsaday fariisimo ciidan, waxaana xigay dagaal fool ka fool ah oo si toos ah uga dhacay gudaha magaalada iyo daafaheeda. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu weli socdo, islamarkaana la adeegsanayo hub culus oo noocyo badan ah.
Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in weerarka uu ka bilaabmay dhanka xeebta, gaar ahaan deegaanka Mareeg, iyadoo koox kale oo Al-Shabaab ah ay kaga soo biireen wadooyinka ka yimaada Mazagawaa iyo Coosweyne.
Ciidamada Dowladda iyo Macawiisleyda ayaa si adag uga hortagay weerarka, waxaana saraakiil ciidan oo aan la xiriirnay ay sheegeen in Al-Shabaab dib loo riixay, islamarkaana laga saaray qeybo kamid ah degmada.
Dagaalka ayaa sababay khasaare xooggan oo labada dhinac soo gaaray, hase yeeshee wali lama hayo tiro rasmi ah oo la xiriirta dhimashada iyo dhaawaca. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka xoogiisa uu hadda ka socdo duleedka degmada Ceel-dheer.
Gurmad ciidan oo xooggan ayaa ka socda dhanka Dowladda Federaalka, waxaana ciidamo hor leh loo diray goobta uu dagaalku ka socdo.
Xaaladda guud ee degmada Ceel-dheer ayaa aad u cakiran, iyadoo xabadu ay si joogto ah uga dhacayso xaafado badan oo magaalada ah.
Dagaalka ayaa imaanaya xilli kooxda Al-Shabaab ay maalmihii lasoo dhaafay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan deegaanada ay Dowladda iyo saaxiibadeeda gacanta ku hayaan, iyagoo dhowr jeer isku dayay in ay dib u qabsadaan goobo horay looga saaray.




