Beledweyne, Soomaaliya – Iyadoo Magaalada Beledweyne ay wajahayso xaalad amni xumo oo ba’an, ayaa ciidamada isku dhafka ah ee halkaasi ka howlgala waxay guulo ka gaareen dadaallada lagu sugayo amniga magaalada.
Ciidamadan oo dhowaan hawlgallo ka sameeyay gudaha magaalada iyo deegaannada ku hareeraysan, ayaa ku guuleystay in ay qabtaan qaar ka mid ah tuugadii dhac ka geysaneysay xaafadaha Beledweyne. Tuugadan ayaa lagu eedeeyay in ay si bareer ah u dhici jireen dadweynaha, gaar ahaan kuwa leh telefoonno casri ah.
Intaa waxaa dheer, ciidamada ayaa ku guuleystay in ay qanciyaan xoogagga hubeysan ee Macawiisleyda ee ku sugnaa gudaha magaalada, si ay u xareeyaan hubkooda, maadaama aysan si rasmi ah ugu jirin qaab-dhismeedka sugidda amniga gobolka. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid xoojinaysa dadaallada lagu doonayo in lagu xasiliyo magaalada.
Sidoo kale, waxaa kordhay joogitaanka ciidamada ee gudaha magaalada, iyadoo la adkeeyay baraha kontaroolada iyo kormeerada joogtada ah ee laga sameynayo xaafadaha magaalada, si looga hortago falalka amni darrada ah.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada lagu dilay dad shacab ah, kuwaasoo ay toogasho ku dileen burcad dhac u geysaneysay si ay uga qaataan telefoonno. Dilalkaas ayaa walaac weyn ku abuuray shacabka reer Beledweyne, taasoo sababtay in la dardar geliyo howlgalada sugidda amniga.
Ciidamada ammaanka ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada, kana warbixiyaan falalka looga shakisan yahay, si loo xaqiijiyo nabadgelyada guud ee magaalada.




