Ceeldheer, Galguduud – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada deegaanka ayaa aroornimadii hore ee saaka si geesinimo leh uga hortagay weerar ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud.
Ciidamada huwanta ah ayaa jab weyn gaarsiiyay kooxda weerarka soo qaaday, iyagoo ku dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana gacanta ku dhigay maxaabiis dhowr ah, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka.
Intii lagu guda jiray iska caabinta weerarka, 6 askari oo ka tirsan CXDS ayaa naftooda u huray difaaca qaranka, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Haatan, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa wada howlgallo qorshaysan oo lagu baacsanayo xubnaha firxadey ee Al-Shabaab, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan shacabka iyo nabadgelyada gobolka.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si wayn u bogaadisay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada, iyadoo xustay in dadaalkooda uu yahay tiir-dhexaadka amniga iyo xasilloonida dalka.





