CEELDHEER, Soomaaliya – Khasaaraha ka dhashay weerarkii culus ee aroornimadii shalay ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sii kordhaya, kaasi oo dhexmaray kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka oo ay garab siinayeen ciidamada deegaanka.
Dagaalka oo socday saacado badan ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac soo gaaray, hase yeeshee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay guul weyn ka gaartay weerarka, iyadoo ciidamada qaranka ay si buuxda u difaaceen degmada Ceeldheer.
Guddoomiyaha degmada Ceeldheer, Cabdiraxmaan Axmed Cumar, ayaa maanta sheegay in la helay maydad hor leh oo ka mid ahaa dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday degmada. Wuxuu sheegay in tirada dhimashada kooxda weerarka soo qaaday haatan gaartay 71 qof, iyadoo weli howlgalka nadiifinta deegaannada ku dhow Ceeldheer uu socdo.
“Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka waxay muujiyeen geesinimo weyn. Al-Shabaab waxay doonayeen inay Ceeldheer qabsadaan, laakiin si adag ayaa looga difaacay,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa heer gobol ayaa hambalyo u diray ciidamada ku guuleystay difaaca degmada, iyagoo ku tilmaamay guusha mid muujineysa dadaalka socda ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa weli ku sugan deegaannada ku hareeraysan Ceeldheer, halkaas oo ay ku wadaan howlgallo lagu baacsanayo xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka badbaaday weerarka.



