Ceeldheer, Galgaduud – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gudaha Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kusoo bandhigay maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab, hub iyo meydad kadib dagaalkii ka dhacay degmadaas Jimcihii.
Weerarka Al-Shabaab oo ahaa mid qorsheysan oo la rabey in lagula wareego magaaladda, ayaa waxaa si wadajir ah uga hortagay ciidamada Qaybta 21-aad ee Xoogga Dalka, Kumaandooska Gorgor ee Qaybta 1-aad, iyo ciidamada Booliska Hirshabeelle.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in dagaalka lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana meydad badan laga soo helay duleedka degmada Ceeldheer.
Munaasabadda lagu soo bandhigayay maxaabiista, hubka iyo meydadka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa:
- Korneyl Maxamed Dhagawayne, Taliyaha Qaybta 21-aad
- Korneyl Saahid Jaamac Jareere, Taliyaha Qaybta 1-aad ee Gorgor
- Jeneraal Xasan Dhicisow, Taliyaha Booliska Hirshabeelle
- Iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.
Talisyada ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ku jira gacanta Al-Shabaab, iyadoo la xaqiijiyay in dhowr tuulo oo hoos taga Ceeldheer laga saaray kooxda.
Ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si guud ahaan gobollada bartamaha dalka looga saaro kooxda.







