Ceelbuh, Sanaag – Cabsi xooggan ayaa ku faaftay bulshada ku dhaqan gobolka Sanaag, gaar ahaan beelaha deegaanka Ceelbuh, kadib duqeyn culus oo diyaarad dagaal ay shalay ka geysatay duleedka deegaankaasi, taas oo sababtay dhimashada mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka.
Duqeynta oo ka dhacday meel u dhow deegaanka Ceelbuh, oo hoostaga degmada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa lagu dilay Alle ha u naxariistee Caaqil Cumar Cabdullaahi, oo ka mid ahaa madax dhaqameedyada sida weyn looga yaqaan deegaanka.
Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ama maamulka cusub ee Waqooyi Bari oo ku saabsan weerarkaasi.
Caaqil Cabdiraxmaan Anshax, oo isna ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka, ayaa warbaahinta u sheegay in bulshada ay si weyn uga niyad jabeen dhacdadan.
Wuxuu ugu baaqay maamulka Puntland in ay si degdeg ah u furaan baaritaan rasmi ah, si loo ogaado cidda ka dambeysay weerarka iyo sababta lagu bartilmaameedsaday Caaqilka la dilay.
“Waa dhacdo culus, shacabka way ka argagaxeen, mana la aqbali karo in oday dhaqameed si sahal ah loo dilo iyadoo aysan jirin wax jawaab ah oo ka imanaya maamulka,” ayuu yiri Caaqil Anshax.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale cabsi ka muujiyay suuragalnimada in weerarro kale oo la mid ah ay dib u dhacaan, iyadoo aan jirin cid ka jawaabaysa ammaanka dadka deegaanka iyo madax dhaqameedka.



