Gaalkacyo – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa shalay ku dhawaaqday in doorashada duqa degmada Gaalkacyo dib loo dhigay muddo 24 saacadood, kaddib qiimeyn ay wasaaraddu ku sameysay xaaladda guud ee gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Warqad rasmi ah oo ka soo baxday wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Gaalkacyo dib loo dhigay si “loo xalliyo tabashooyin yar yar oo jira,” iyadoo aan si faahfaahsan loo sheegin nooca tabashooyinkaasi.
Warqadda oo lagu socodsiiyay dhammaan dhinacyada ay khusayso, sida guddiga doorashada, xubnaha golaha deegaanka, ku simaha duqa degmada, guddoomiyaha gobolka Mudug, iyo madaxda sare ee Puntland, ayaa sheegtay in dib-u-dhigistaasi tahay mid ku meel gaar ah oo aan saameyn ku yeelan doonin hannaanka guud ee doorashada.
Dhinaca kale, guddiga doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo ayaa isla shalay soo saaray jadwal cusub, iyagoo ku dhawaaqay in doorashadu ay dhici doonto maanta galinka hore, haddii aan wax caqabad ah dib uga iman.
Doorashadan ayaa ka dhaceyso xilli Puntland ay kamid tahay maamul goboleedyada Soomaaliya ee si rasmi ah u hirgaliyay doorashooyinka golayaasha deegaanka, kuwaas oo ay dadweynuhu si toos ah codkooda ugu dhiibtaan.
Doorashada duqa degmada Gaalkacyo ayaa la filayaa in ay xiiso gaar ah leedahay, maadaama ay tahay mid ka mid ah degmooyinka ugu muhiimsan ee gobolka Mudug, islamarkaana ay saameyn ku yeelan karto hannaanka dimuqraadiyadda deegaanka.



