Muqdisho, Soomaaliya — Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Richard H. Riley, oo ay wehliyaan kuxigeenkiisa Justin Davis iyo Matthew Younger, oo ah Madaxa Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi istiraatiiji ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo la isla hadlay muhiimadda ay leedahay horumarinta shaqooyinka Baarlamaanka iyo kor u qaadista hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.
Safiirka Mareykanka ayaa ku amaanay Guddoomiyaha Golaha Shacabka hoggaankiisa hufan iyo kaalinta weyn ee uu ku leeyahay meelmarinta sharciyo muhiim ah oo gacan ka geysanaya xoojinta dowladnimada Soomaaliya.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay kaalinta muhiimka ah ee Mareykanka ka qaato dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiay in la sii adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo nabadgelyo ka jirta Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.







