Tirada Xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay Dagaalkii El-Dheer oo gaartey 71

0

El-Dheer, Galgaduud – Tirada dagaalyahanada Al-Shabaab ee lagu dilay dagaalkii culus ee ka dhacay degmada El-Dheer ee gobolka Galgaduud ayaa gaartay 71, kadib markii la helay meydad dheeraad ah oo ka mid ahaa weeraryahannadii kooxda.

 

Guddoomiyaha degmada El-Dheer, Cabdiraxmaan Axmed Cumar, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ciidamadu heleen meydad cusub oo Al-Shabaab ah kaddib dagaalkii xooganaa ee dhacay.

“Ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka waxay muujiyeen geesinimo weyn. Al-Shabaab waxay isku dayeen inay qabsadaan El-Dheer, balse si xoog leh ayaa looga difaacay. Hadda tirada kooxdii la dilay waxay kor u dhaaftay 71,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dagaalka oo socday saacado badan ayaa sababay khasaare labada dhinac ah. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xaqiijisay in lix askari oo Soomaali ah ay ku dhinteen, halka 14 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ammaanay ciidamada wadajirka ah ee difaacay magaalada, isagoo sheegay in Al-Shabaab aysan awoodin inay la baxaan maydadkooda iyo dhaawacooda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa baraha internet-ka ku sheegtay inay qabsatay El-Dheer islamarkaana ay khasaaro culus gaarsiisay ciidamada dowladda, balse mas’uuliyiinta maxalliga ah ayaa beeniyay warkaas, iyagoo ku tilmaamay borobogaando iyo marin-habaabin.

Dagaalka El-Dheer ayaa noqonaya mid ka mid ah weerarradii ugu culusaa ee Al-Shabaab ku qaado deegaannada gobolka Galgaduud, balse ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la sheegay inay si adag uga hortageen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here