Beledweyne, Hiiraan – Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo balaaran ka sameeyay qaybo ka mid ah magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib cabashooyin ka yimid shacabka deegaanka.
Howlgalladan ayaa yimid kaddib markii dadweyne ku nool xaafado ka tirsan Beledweyne ay ka cawdeen falal amni darro, gaar ahaan tuugo hubaysan oo dhac u geysanaysay dadka shacabka ah.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in howlgalladu ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo nabadgelyada, isla markaana lagu baadi-goobayo kooxaha dhacaya sameeya.
“Cabashooyin badan ayaa naga soo gaaray shacabka, kuwaas oo sheegayay in tuugo hubeysan ay dhac u geysanayaan. Waxaan ku jirnaa dadaal lagu sugayo ammaanka magaalada,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha booliska Beledweyne.
Howlgallada ayaa si gaar ah uga dhacay xaafado ay horey uga jireen falal liddi ku ah amniga, waxaana la sheegay in la qabtay tiro dad ah oo lagu hayo baaritaanno la xiriira dhac iyo falal kale oo amni darro.
Shacabka Beledweyne ayaa soo dhaweeyay howlgallada, iyagoo ku baaqay in la joogteeyo si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasiloonida magaalada.
DAAWO MUUQAALKA:




