Baydhabo – Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa xalay howlgal amni oo ballaaran ka sameeyay magaalada Baydhabo, iyagoo gacanta ku soo xiray dhalinyaro looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Howlgalka oo ka dhacay goobo kala duwan oo magaalada ka mid ah ayaa sababay in xaafado badan oo Baydhabo ka mid ah ay xalay dadka ku soo jeedeen feejignaan darteed, iyadoo dad badan aysan si caadi ah u seexan.
Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka loo fuliyay si looga hortago weeraro amni darro oo la sheegay inay Al-Shabaab qorsheynayaan inay gudaha magaalada ka fuliyaan.
“Waxaanu howlgalkan ku xaqiijinaynaa nabadgelyada Baydhabo iyo ka hortagga falalka argagixiso ee kooxda Al-Shabaab,” ayuu yiri sarkaal katirsan laamanaha amniga Koonfur Galbeed.
Saraakiisha Ciidanka ayaa sidoo kale dadka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo sugo nabadgelyada guud ee magaalada iyo guud ahaan gobolka Baay.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegay inuu qaadayo howlgal Al-Shabaab looga saarayo goobaha ay ka joogaan Baay iyo Bakool, oo go’doomin ay ku hayaan degmooyin waaweyn, taasoo ka dhalatay sicir-barar.




