Muqdisho – Gaashaanle Abdifatax Aadan Xirsi, afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa maanta shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ku sheegay in awaamiir iyo digniin culus loo dirayo bulshada, gaar ahaan dadka baraha bulshada ku aflagaadeeya madaxda qaranka, sumcad xumeynaya dowladnimada, iyo kuwa faafinaya anshax xumo.
Afhayeenku wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dhalinyarada muuqaalada iskaga duuwa dharka ciidanka iyo qoryaha, isagoo xusay in falkaas uu yahay dambi, isla markaana sharciga la horgeyn doono qofkii ku kacaa. Sidoo kale, askariga leh dharka iyo qoriga ayaa sidoo kale la marsiin doonaa sharciga.
Gaashaanle Abdifatax ayaa sidoo kale digniin u diray dhalinyarada koox-kooxda u socota guryaha kirada ah ee balwada ku isticmaala, isagoo sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.
Digniintan kasoo baxday Ciidanka Booliska ayaa imaaneysa xilli saacadahii lasoo dhaafay dhalinyaro lagu soo qabtay magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu eedeeyay aflagaadeynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Booliska ayaa mar kale ku booriyay bulshada inay ka fogaadaan falalka burburinaya midnimada iyo xasiloonida dalka, isla markaana ay ka shaqeeyaan nabadda iyo wadajirka.
DAAWO SHIRKA JARAA’ID:




