Imaaraatka oo dhex-dhexaadin ka billaabay Soomaaliya oo Khilaaf siyaasadeed ka taagan

0

ABU DHABI – Wararka laga helayo dalka Imaaraatka Carabta ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan dadaallo lagu doonayo in la isugu keeno Dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland, si loo dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya.

 

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa haatan ku sugan Imaaraatka, halkaas oo ay kulammo gaar ah kula leeyihiin madaxda dowladda Imaaraatka.

Dadaalladan ayaa waxaa garwadeen ka ah Imaaraatka Carabta, waxaana lagu sheegay in lagu doonayo xal waara oo laga gaaro khilaafka muddooyinka dambe soo jiitamayay.

Sidoo kale, warar aan weli la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, la filayo inuu tago Imaaraatka Carabta marka uu soo dhammeeyo safarkiisa Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka waddamada Islaamka iyo Carabta.

Khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulladan ayaa salka ku haya arrimo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka, doorashooyinka, iyo qaabka ay dowladda u wajaheyso dhismaha hay’adaha dalka.

Puntland iyo Jubaland ayaa horey u muujiyay in aysan ku qanacsanayn habka ay dowladda u maareyneyso arrimahaas.

Dowladda Imaaraatka ayaa dadaal ku bixineysa in la gaaro heshiis mideysan oo lagu xallinayo khilaafka, si looga gudbo caqabadaha hortaagan horumarka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka soo socda.

Lama oga in wadahadallada socda ay noqon doonaan kuwo miro dhal ah, hase yeeshee waxaa jirta rajo laga qabo in la gaaro isfaham horudhac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here