Doha, Sebtembar 16 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay shir-madaxeedka degdegga ah ee waddamada Carabta iyo Islaamka oo ka dhacay magaalada Doha, isagoo si adag u cambaareeyay weerarada joogtada ah ee Israa’iil ay ku hayso shacabka Falastiin iyo xadgudubyada ka dhanka ah sharciga caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in aamusnaanta iyo waxba kama qabashada falalka Israa’iil ay horseedi karto tusaale khatar ah oo wiiqaya aasaaska sharciga caalamiga ah.
Intii uu socday khudbaddiisa, wuxuu si gaar ah ugu baaqay beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, in ay gutaan waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamka.
Madaxweynaha ayaa muujiyay argagax uu ka qaaday weeraradii iyo falalkii argagixiso ee Israa’iil ka geystay magaalada Doha taariikhdu markii ay ahayd Sebtembar 9-keedii, isagoo tilmaamay in ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Qatar iyo sharciga caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu mar kale ku celiyay taageerada buuxda ee Dowladda Soomaaliya ay u hayso shacabka walaalaha ah ee Qatar, wuxuuna sheegay in gardarro kasta oo lagu hayo madax-bannaanida dal, ama dilka dadka rayidka ah, ay yihiin jebin cad oo ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Qaramada Midoobay.
Wuxuu xusay in beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka, ay mas’uul ka yihiin wax ka qabashada xadgudubyada Israa’iil, isla markaana uu aamusnaanta arrintan ku tilmaamay mid khatar gelin karta sharciga iyo nidaamka caalamiga ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si gaar ah u bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee Qatar ay ka ciyaareyso dadaallada nabadda iyo xasiloonida, gaar ahaan iyadoo ay jirto xaaladda bini’aadantinimo ee ka taagan Marinka Gaza, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka in ay taageeraan dadaallada Qatar halkii laga wiiqi lahaa.
Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si adag u cambaareeyay khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay duqeymaha Gaza, wuxuuna ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah, sii deynta maxaabiista, iyo in gargaar bini’aadantinimo si aan xadidnayn loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan Gaza, iyada oo si buuxda loola jaanqaadayo sharciga caalamiga ah iyo sharciyadda Qaramada Midoobay.




