Doha, Qatar, Sebtembar 16 – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Isniintii kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo cunaqabataynta Israa’iil, isagoo sheegay in tallaabooyinka dhaqaale ay natiijooyin muuqda dhali karaan.
Kulankan ayaa ka dhacay hareeraha shir-madaxeedka degdegga ah ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Jaamacadda Carabta ee ka socda magaalada Doha, kaasoo diiradda lagu saaray xaaladda bini’aadantinimo ee kasii dareysa ee Marinka Gaza.
Madaxweyne Erdogan ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si adag oo mideysan codkooda ugu muujiyaan taageerada shacabka Falastiin, ayna xaqiijiyaan in gargaar bini’aadantinimo si aan hakad lahayn loo gaarsiiyo dadka ku sugan Gaza, oo muddo ku dhow laba sano ay Israa’iil si joogto ah u weerareyso.
“Xaaladda Gaza waxay u baahan tahay jawaab adag iyo midnimo caalami ah,” ayuu yiri Erdogan, isagoo carabka ku adkeeyay in cunaqabatayn dhaqaale ay tahay mid ka mid ah hababka ugu wax-tarka badan ee lagu joojin karo gardarrada Israa’iil.
Labada Madaxweyne waxay sidoo kale isla soo qaadeen xiriirka labo geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kuwaas oo si isa soo taraysa u kobcaya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, horumarka, iyo ganacsiga.
Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in Turkigu sii xoojin doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo tilmaamay in iskaashiga labada dal uu si joogto ah u kobcayo, loona ballaarin doono mustaqbalka dhow.
Shirka Doha ayaa isugu keenay Madaxda Muslimiinta iyo Carabta si ay uga tashadaan xadgudubyada Israa’iil ee ka socda Gaza, iyadoo dalal badan ay Israa’iil ku eedeeyeen dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhan ah shacabka Falastiin.




