Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay si toos ah bulshada Soomaaliyeed uga jawaabay su’aallo ku saabsan waxyaabihii ay Xukuumadda DanQaran u qabatay dalka muddadii saddexda sano ahayd ee la soo dhaafay.
Xamsa Cabdi Barre ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay guulaha waaweyn ee ay Xukuumaddu ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda dhaqaalaha, dowlad-wanaagga, horumarinta adeegyada bulshada, iyo xiriirka caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay horumarada la taaban karo ee doorashooyinka dalka, xiriirka dhow ee ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, iyo arrimo kale oo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.
Mudane Xamsa ayaa shacabka ku boorriyay inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka dalka, isaga oo ballanqaaday in xukuumaddu ay sii wadi doonto adeegyada iyo dib-u-habaynta lagu horumarinayo nolosha bulshada Soomaaliyeed.










