Jeneraal Sahal oo billado siiyay Ciidankii Al-Shabaab ka difaacay Ceeldheer

0

Ceeldheer, Galmudug – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar, ayaa shalay ka qayb galay munaasabad qiimo leh oo ka dhacday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, taasoo lagu dhiirigelinayey geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee si weyn uga hortegay weerarro ay kooxda Al-Shabaab ka geysteen deegaankaas.

 

Munaasabadda ayaa si gaar ah loogu maamuusay ciidamada ku sugnaa aagga Ceeldheer, kuwaas oo si geesinimo leh uga hortagay, islamarkaana laayey tiro ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab. Taliyaha ayaa ciidamada uga mahadceliyey doorkooda halgan iyo sida ay u difaaceen shacabka iyo dalka.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu xusay laguna duceeyey askartii naftooda u huray difaaca dalka, kuwaas oo ku shahiiday dagaalkii dhawaan halkaas ka dhacay. Dadka deegaanka, maamulka gobolka, saraakiil ciidan, iyo culimo ayaa ka qayb galay kulankaas, iyaga oo muujiyey taageero buuxda oo ay u hayaan ciidamada qaranka.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar ayaa xusay in guulaha laga gaarayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay ku yimaadeen dadaal wadajir ah oo ay ka qayb yihiin ciidanka, shacabka, iyo maamulka deegaanka. Wuxuu balan qaaday in ciidamadu sii wadi doonaan dagaalka ilaa laga cirib tiro kooxaha nabad-diidka ah.

Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi waddaniyadeed iyo duco lagu xasuusanayo halyeyada naftooda u huray qaranka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here