Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa shaaciyay in dalka uusan mar dambe aqbali doonin in hoggaan qaran lagu doorto nidaamka beelaha, isagoo sidoo kale amray in si degdeg ah dib-u-habeyn loogu sameeyo adeegyada Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, kadib cabashooyin ka yimid rakaabka.
Xamse oo ka hadlayay kulan lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda ay si buuxda ugu diyaar garowdo doorasho hal qof iyo hal cod ah, taasoo meesha ka saaraysa nidaamkii soo jireenka ahaa ee ay odayaasha dhaqanka ama madaxda dowlad goboleedyadu ku soo xuli jireen xildhibaannada.
“Waxaan ka guureynaa nidaamka xildhibaannada lagu soo xulo iyadoo ay magacaabaan odayaal dhaqameed ama maamullada gobollada. Waxaan dooneynaa in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u doortaan wakiilladooda, kuwaas oo markaa dooran doona madaxda dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in 53 xisbi siyaasadeed ay durba is-diiwaangeliyeen si ay uga qayb qaataan doorashooyinka mustaqbalka, wuxuuna tilmaamay in waqtiga u haray xukuumaddiisa uu ku filan yahay in lagu diyaariyo doorashooyin heer qaran iyo heer degmo ah oo ku saleysan hal cod iyo hal qof.
Sidoo kale, Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xariiqay in diyaar-garowga doorashooyin toos ah ay durba socoto, taasoo ah mid ay muddo dheer dalbanayeen shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah.



