Xasan Sheekh oo shaaciyay inuu socdo Wadahadal lagu xalinayo Khilaafka Jubaland iyo Puntland

0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay in wadahadallo miro-dhal ah ay socdaan oo kala dhaxeeya maamulada Puntland iyo Jubbaland, si xal looga gaaro khilaafaadka la xiriira doorashooyinka qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Al-Arabiya ku sheegay in ay jiraan wadahadallo furan oo lagu xalinayo kala aragti duwanaanta ka jirta doorashooyinka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka Jubbaland iyo Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in doorashooyinka Soomaaliya ay u kala baxaan laba heer: doorashooyinka heer deegaan, oo ay maamulaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, iyo doorashooyinka heer qaran oo lagu doorto baarlamaanka labada gole, kuwaas oo sal u ah dhismaha hoggaanka dalka.

“Diiraddeennu waqtigan waxay saaran tahay doorashooyinka heerka deegaanka oo dhawaan la qaban doono. Puntland kama mid aha maadaama ay horay u qabatay doorashooyin deegaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Isagoo ka hadlayay Jubbaland, wuxuu sheegay in rajada laga qabo in la xalliyo arrimaha taagan ay tahay mid sareysa, islamarkaana la rajeynayo in xal laga gaaro kahor doorashooyinka heer deegaan iyo kuwa heer qaran ee la filayo mustaqbalka dhow.

“Jidka wada-hadalka wuu furan yahay, waxaana sii wadaynaa isgaarsiinta iyo wada-xaajoodka la xiriira arrimaha doorashada ee Jubbaland iyo Puntland,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dowladda Federaalka ayaa markale adkaynaysa muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn buuxda oo dhex marta dhammaan maamul goboleedyada dalka, si loo gaaro doorashooyin hufan, loo ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed, loona dardargeliyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here