Xamsa”Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah shuruucdii oo la hagaajiyey, midnimo iyo wadajir”

0

Muqdisho —Xukuumadda DanQaran ayaa bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u shaqeynaysay, taas oo hirgelisay barnaamijyo iyo mashaariic wax-ku-ool ah, oo ay markhaati u yihiin dadka Soomaaliyeed.

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo munaasabadda ka qeybgalay bandhigga, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyo Xukuuumaddiisu ay hirgaliyeen qorshayaaal iyo shuruuc muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Guulaha ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran ayaa taabanaya dhinacyada amniga, siyaasadda horumarinta arrimaha bulshada, difaaca iyo adkaynta midnimada Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in guulahani ay ku yimaadeen wadajir iyo midnimo, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaannada Labada Aqal iyo guddoonkooda.

May be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 7 people, suit, newsroom, newsagent and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here