Fiqi oo sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu marayo heerkii ugu sarreeyay

0

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu gaaray heerkii ugu sarreeyay, isagoo sidoo kale xusay rabitaanka dowladda Soomaaliya ee ah in la hirgeliyo mashaariic waaweyn oo iskaashi ah.

 

Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency ayuu Fiqi ku xusuustay booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ku yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2011 — xilli ay magaalada gacanta ugu jirtay kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan si fiican u xasuustaa maalintaas. Dhowr maalmood un kadib, magaalada waa la xoreeyay, waxayna tan iyo markaas ku raaxeysaneysaa 14 sano oo xasillooni iyo madax-bannaani ah,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in iskaashiga dhow ee u dhexeeya hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Turkiga, uu door weyn ka qaatay guulaha la gaaray. Waxa uu tilmaamay in maanta xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah, kuna dhisan kalsooni iyo isfahan.

Xiriirka Milatari iyo Dhaqaale ee sii kobcaya

Fiqi ayaa xusay heshiis is-afgarad oo ay kala saxiixdeen wasaaradaha gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo si gaar ah u muujiyay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee casriga ah ee Turkigu sameeyay oo lagu arkayo hawada Muqdisho, iyo gaadiidka gaashaaman ee ay adeegsadaan ciidamada Soomaaliya.

“Iyada oo la raacayo heshiiskaas, waxaa sidoo kale ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya lagu tababaray saldhigga milatari ee TURKSOM ee Turkigu ka dhisay Muqdisho,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirku waxa uu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso hirgelinta mashaariic horumarineed oo waaweyn, isagoo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhanka dhaqaalaha, si loo taageero xasilloonida dalka.

Isagoo dib u milicsanaya xaaladdii adkayd ee Soomaaliya ka jirtay xilligii uu booqashada ku yimid Ra’iisul Wasaare Erdoğan sanadkii 2011, ayuu Fiqi yiri: “Mogadishu markaas ma ahayn meel nabad ah, dadkuna waxay wajahayeen gaajo iyo duruufo adag.”

“Balse maanta, waxaan joognaa meel ka wanaagsan, waxaanan arkaa in xiriirkeenna uu sii kobcayo maalinba maalinta ka dambeysa,” ayuu raaciyay Wasiirku.

Wuxuu sidoo kale xusay in safaaradda ugu weyn ee Turkiga ku leeyahay Afrika ay ku taallo Muqdisho, taasoo muujinaysa sida ay labada dal isugu dhow yihiin.

Tan iyo 2011, Turkiga ayaa bixiyay gargaar bini’aadannimo iyo taageero horumarineed oo ka badan $1 bilyan, taasoo ku fidaysay adeegyada caafimaadka, waxbarashada, adeegyada bulshada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here