Trump oo Si Kulul U Weeraray Ilhan Omar iyo Soomaaliya Kadib Kiis Musuq-maasuq Minnesota ka Dhacay

0

WASHINGTON – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah oo kulul ku qaaday Xildhibaanad Ilhan Omar, isaga oo si dadban ugu xirtay kiis musuq-maasuq oo ka dhacay gobolka Minnesota, kaas oo shaqsiyaad Soomaali ah lagu xiray.

 

Trump ayaa sheegay in Ilhan Omar ay kasoo jeedo dalka Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay “dal la degay dowlad la’aan, musuq-maasuq, laaluush, dagaal, argagixiso, cunto-yari iyo burcad-badeed.”

“70% shacabka Soomaaliya waxay ku nool yihiin saboolnimo daran. Waana dalka ugu musuqmaasuqa badan ee adduunka. Markaas bay Ilhan Omar doonaysaa inay noo sheegto sida Mareykanka loo maamulo!” ayuu yiri Trump.

Sidoo kale, Trump ayaa si xooggan u weeraray Ilhan Omar isaga oo xusay eedeymo hore oo sheegaya inay “walaalkeed guursatay si ay jinsiyadda Mareykanka u hesho,” inkastoo arrintan la beeniyay marar badan.

Ilhan Omar, oo ka mid ah Golaha Wakiilada Mareykanka isla markaana kasoo jeeda gobolka Minnesota, weli kama aysan jawaabin hadallada Trump ee u muuqda kuwo naceyb iyo takoorka qowmiyadeed xambaarsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here