Dib u dhac ku yimid furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

0

MUQDISHO – Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qaarkood lagu wargeliyay in si lama filaan ah dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka, kaas oo loo qorsheeyay inuu furmo maalinta berri ah.

 

Dib u dhigistan ayaa timid ka dib codsi ka yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo la sheegay inuu safar dibadda ah ku baxayo, islamarkaana kalfadhiga la furi doono markii uu dalka ku soo laabto, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka ayaa xirmay 22-kii June, waxaana lagu waday inuu dib u furmo 22-ka bisha August, balse taasi ma aysan dhicin.

Wararka gudaha ayaa sheegaya in ay jirto cabsi laga qabo in furitaanka kalfadhiga uu keeni karo xiisad siyaasadeed iyo xitaa kala dirid Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, taas oo sababtay in dib loogu dhigo furitaanka si xaaladda siyaasadeed loo qaboojiyo.

Maalmihii iyo bilihii la soo dhaafay ayaa si xooggan u soo badanayay mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Xamse, oo ay wadaan xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo gacanta ku haya mooshinkaasi.

Xukuumadda Xamse oo taageero ka helaysa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga bixi lahayd mooshinka halista gelinaya jiritaankeeda.

Qaar ka mid ah xildhibaanada mooshinka wadayaasha ah ayaa warbaahinta u sheegay in mooshinku uu maray heerkii ugu dambeeyay, islamarkaana aanu jirin waddo looga laaban karo, iyaga oo ku tilmaamay mooshinka inuu yahay mid aan laga baaqsan doonin.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa muddo ka badan saddex sano ah hogaaminayay Xukuumadda Federaalka, iyadoo aanu la kulmin caqabado waaweyn oo ka yimid Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, taas oo keentay in baarlamaanka waqtigan lagu eedeeyo isla xisaabtan la’aan iyo in uu shaqadiisa si habboon u gudan waayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here