Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Kulan Taariikhi ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha

0

Beijing, Shiinaha – Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan doceed muhiim ah magaalada Beijing kula yeeshay Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, Admiral Dong Jun, xilli uu ka qeyb-galay Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Xiangshan.

 

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee heer wasiir ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Shiinaha muddo ku dhow 40 sano, taas oo calaamad u ah bog cusub oo ku saabsan xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wasiir Fiqi ayaa kulanka uga warbixiyay dhiggiisa Shiinaha horumarka ay Soomaaliya ka sameysay amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha difaaca, isagoo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay guulo waaweyn ka gaareen xoreynta dhul badan oo ay hore u joogeen kooxaha argagixisada, ayna si habsami leh u socdaan dadaallada xasillinta deegaannada la xoreeyay.

Admiral Dong Jun ayaa dhankiisa ammaanay isbeddellada wanaagsan ee Soomaaliya ku tallaabsatay, wuxuuna ku tilmaamay “tallaabo rajo leh” dadaallada dowladda Federaalka ee ku aaddan adkeynta amniga iyo sugidda kala dambeynta, isaga oo muujiyay in Shiinaha diyaar u yahay inuu xoojiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Labada wasiir ayaa isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo la adkeynayo wadashaqeynta ku aaddan:

  • Xasillinta gobolka Geeska Afrika
  • La dagaallanka argagixisada
  • Taageerada howlgalka AUSSOM
  • Tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Kulankan ayaa loo arkaa mid muujinaya isfahamka iyo ballanqaadka labada dhinac ay ka leeyihiin sugidda nabadda iyo xasilloonida gobolka, taas oo muhiim u ah horumarka iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here