Muqdisho — Saakay, ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo dhismo burburin ah ka wada Xaafadda 7/7 ee degmada Dayniile, gobolka Benaadir.
Gaadiidka cagafta iyo mashiinnada burburinta ayaa si toos ah ugu taagan guryaha dadka masaakiinta ah, iyadoo dadka aan la siin wax fursad ah oo ay ku guuraan ama ku badbaadaan.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo bulshada ku nool Xaafadda Saban Saban oo la hadlay warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in ciidamada ay xireen waddooyinka soo gala xaafadda, sidoo kalena saxaafadda laga hor istaagay inay ka warbixiso xaaladda ka taagan goobta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo saddex sano ah si joogto ah u barakicineysa dadka danta yar, iyadoo howlgalada noocan oo kale ah ay dhibaato ku yihiin shacabka masaakiinta ah ee aan helin gargaar ku filan.




