Bosaso, Puntland – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay sii laba jibaari doonto taageerada ay siiso Puntland, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Balanqaadkan ayaa yimid kadib kulan muhiim ah oo shalay magaalada Boosaaso ku dhex maray Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Africa, Major General, iyo Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Bariga Afrika, Col. Benander.
War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka iyo Puntland ay isla meel dhigeen istiraatiijiyad cusub oo lagu xoojinayo dagaalka Daacish, si kooxda looga saaro goobo yar oo ay weli kaga sugan yihiin buuraha Calmiskaad.
“Waxaan ku heshiinay in la kordhiyo iskaashiga amni, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku haya gobolka,” ayuu yiri Safiir Riley, isagoo amaanay Puntland doorka ay ku leedahay hawlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud ee Soomaaliya, horumarka siyaasadeed iyo iskaashiga dhanka horumarinta.
Mareykanku waxa uu bogaadiyey guulaha la sheegay in laga gaaray hawlgalada ka socda buuraha Calmiskaad, isagoo ballan qaaday taageero dheeraad ah oo dhanka sirdoonka, tababarka iyo qalabka ciidan.
Puntland ayaa sanadihii u dambeeyay la tacaaleysay weeraro iyo falal argagixiso oo ay fuliyeen xubno ka tirsan Daacish iyo Al-Shabaab, hase yeeshee maamulka ayaa sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray dagaalka, gaar ahaan aagga buuraha Calmiskaad.
Iskaashigan sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Mareykanka iyo Puntland ayaa lagu wadaa in uu horseedo dadaal cusub oo lagu wiiqayo awoodda kooxaha argagixisada ee gobolka.




