Liibiya: Tahriibayaal Soomaaliyeed oo Tiro Badan Gaaray, Dadka Maxaabiista ah oo Gurmad Dalbanaya

0

Tripoli, Sebt 21, 2025 – Wararka laga helayo dalka Liibiya ayaa tilmaamaya in bilooyinkii ugu dambeeyay uu sare u kacay tirada tahriibayaasha Soomaaliyeed ee halkaas gaaraya, iyaga oo u sii jeeda dalalka Yurub, kana tallaabaya marinada halista ah ee ay gacanta ku hayaan kooxaha magafayaasha.

 

Boqolaal muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku xiran yihiin xarumo lagu hayo tahriibayaasha oo ay maamulaan kooxaha magafayaasha, kuwaas oo inta badan dadka u dhibaateeya si ba’an.

Qaar badan oo kamid ah maxaabiistan ayaa baraha bulshada kasoo muuqday, iyaga oo muuqaallo ay iska soo duubeen uga codsanaya shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka in laga soo badbaadiyo.

Hooyo Soomaaliyeed iyo gabadheeda oo kamid ah dadkaasi ayaa si murugo leh uga codsaday ummadda Soomaaliyeed in loo gurmado. Muuqaalka hooyada ayaa si weyn u baahay, isagoo dhaliyay falcelin xoogan oo dadka Soomaaliyeed ay ku muujiyeen dareen naxariis iyo baaqyo gurmad.

Dhinaca kale, qaar kamid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda sii xumaaneysa ee tahriibka, iyagoo sheegay in sababaha ugu waaweyn ee dhalinyarada ku riixaya tahriibka ay yihiin shaqo la’aan baahsan, fursad la’aan iyo dhibaatooyin dhaqaale oo dalka ka jira.

“Marka qof dhalinyaro ah uusan helin waxbarasho tayo leh, shaqo ama rajo mustaqbal, wuxuu u arkaa in tahriibku yahay waddada keliya ee uu noloshiisa ku badbaadin karo, xitaa haddii ay khatar tahay,” ayuu yiri mid kamid ah siyaasiyiinta oo ka hadlay TV maxalli ah.

Waxa uu eedda dusha uga tuuray madaxda dowladda Federaalka, isagoo sheegay in dayaca siyaasadeed iyo mid dhaqaale ay sabab u yihiin in kumannaan dhalinyaro ah dalka isaga baxaan, ayna gacanta u galaan magafayaal ku xadgudba xuquuqdooda.

Ilaa iyo hadda, ma jiraan war rasmi ah oo dowladda Soomaaliya kasoo saartay arrintan, hase yeeshee shacabka Soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa si joogto ah u dalbanaya in la sameeyo dadaallo wadajir ah oo lagu badbaadinayo tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya iyo meelaha kale ee halista ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here