Duqeymo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya oo lagu dilay Hoggaamiyeyaal Al-Shabaab ka tirsan

0

Muqdisho, Sebt 21, 2025 – Wararka laga helayo gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeymo culus oo isdaba joog ah lagu beegsaday saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen gobollada Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Baay, halkaas oo lagu dilay hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsanaa kooxda, qaar kalena lagu dhaawacay.

 

Duqeymahan, oo gaaraya illaa afar, ayaa ka dhacay deegaanada Bu’aale (Jubbada Dhexe), Kuunya-Baroow (Jubbada Dhexe), Sablaale (Shabeellada Hoose) iyo Buulo-fulaay (Baay), sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo sirdoon.

Hoggaamiyeyaasha Ajaanibta ah ee lagu dilay Bu’aale

Mid ka mid ah duqeymaha ugu khasaaraha badan ayaa lagu fuliyay deegaanka Sariiraha oo hoostaga Bu’aale, halkaas oo lagu dilay xubno ajaanib ah oo muhiim u ahaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay kaalin weyn ku lahaayeen tababarka dagaalyahannada kooxda.

Magacyada xubnahan ayaa lagu sheegay:

  1. Abu Fahad Sudaani – u dhashay dalka Suudaan
  2. Abu Saleban – u dhashay Pakistan
  3. Abu Jaacfar – u dhashay Morocco
  4. Abu Maalik – oo aan la cayimin dalka uu ka yimid

Qalab ay ka heleen Xuutiyiinta oo lagu burburiyay Kuunya-Baroow

Ilo-wareedyo sirdoon ayaa sidoo kale sheegay in duqeyn lala beegsaday tuulo u dhow Kuunya-Baroow lagu burburiyay qalab cusub oo ay Al-Shabaab dhawaan ka heleen kooxda Xuutiyiinta Yemen, taas oo muujinaysa xiriir sii xoogeysanaya oo u dhexeeya kooxaha xagjirka ah ee gobolka.

Shirar Al-Shabaab ku qabsanaysay Sablaale oo la bartilmaameedsaday

Wararka ayaa intaas ku daraya in bannaanka degmada Sablaale la duqeeyay guri ay ku sugnaayeen hoggaamiyeyaal Soomaali ah oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay in ay qorsheynayeen weerarro ka dhan ah ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda caalamiga ah.

Duqeymo kale oo ka dhacay Buulo-fulaay

Sidoo kale, ilo-wareedyadu waxay sheegeen in deegaanka Buulo-fulaay ee gobolka Baay lagu beegsaday duqeyn lala eegtay hoggaamiyeyaal Al-Shabaab ah, inkastoo faahfaahin dheeri ah aan laga bixin magacyadooda ama tiradooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaan weli si rasmi ah uga hadlin howlgaladan, balse waxa ay qeyb ka yihiin dadaallada socda ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeymahan ayaa dhaliyay hadal heyn badan, iyadoo la filayo in weerarrada noocan ah ay sii socdaan maadaama ay socdaan howlgalka Qaramada Midoobay iyo kuwa ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here