Ra’iisul Wasaare Xamse oo Dhagax-Dhigay Xarunta cusub Wasaaradda Waxbarashada

0

MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah dhagax-dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taas oo noqon doonta dhisme casri ah oo muhiim u ah horumarinta adeegga waxbarasho ee dalka.

 

Xaruntan cusub ayaa laga dhisi doonaa Muqdisho, waxaana la filayaa in ay noqoto xarun leh adeegyadii casriga ahaa ee lagu maamuli karo nidaamka waxbarasho ee heer qaran, iyadoo qeyb weyn ka qaadan doonta dadaalka dowladda ee dib-u-dhiska hay’adaha muhiimka ah ee dowladda iyo tayeynta adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in dhismahan cusub uu yahay mid muujinaya hammiga Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta waxbarashada iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.

“Xukuumadda DanQaran waxa ay dadaal badan gelisay tayeynta waxbarashada dalka iyo casriyeynta dhammaan nidaamyada waxbarashada laga bilaabo heerka hoose ilaa jaamacadaha. Waxaa la dhisay Guddiga Tacliinta Sare si loo helo waxbarasho jaamacadeed oo tayo leh, waxaana naga go’an in ubadkeennu helaan aqoon iyo xirfad sare leh,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimada weyn ee Wasaaradda Waxbarashada ay leedahay, isagoo xusay in:

“Wasaaraddan waa tiir muhiim ah oo dowladda ah, waxayna masuul ka tahay mustaqbalka carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaya in ay wax bartaan. Dowladda waxaa waajib ku ah in ay hagaajiso goobihii ay wax ku baran lahaayeen, lana helo jawi ku habboon waxbarashada.”

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dadaalka ay gelinayaan horumarinta nidaamka waxbarasho, ilaalinta xogta ardayda iyo horumarinta nidaamka casriga ah ee tacliinta dalka.

May be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 2 people and headscarfMay be an image of 8 people and textMay be an image of 12 peopleMay be an image of 6 people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here