ISTANBUL, Türkiye – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta magaalada Istanbul kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Warshadaha iyo Teknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Mehmet Fatih Kacir.
Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada hal-abuurka, horumarinta teknoolajiyadda casriga ah, iyo dhiirrigelinta dhallinyarada Soomaaliyeed si ay uga faa’iideystaan fursadaha tiknoolajiyadeed ee heer caalami ah.
Wasiir Cabdulkaadir ayaa sidoo kale si weyn u bogaadiyey kaalinta Türkiye ee qabanqaabada TEKNOFEST 2025, kaas oo ah bandhigga ugu weyn adduunka ee ku saabsan duulista hawada, dayax-gacmeedyada, iyo teknoolajiyadda casriga ah.
“Türkiye waxa ay tusaale u tahay waddan si dhab ah ugu guuleystay horumarinta teknoolajiyadda, waxaana naga go’an in aan ka faa’iideysano khibraddaasi si aan u horumarino kaabeyaasha dekedaha iyo adeegyada gaadiidka badda ee Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo adeegyada dekedaha iyo gaadiidka badda, iyada oo loo marayo iskaashi xooggan oo lala yeesho waddamada saaxiibka ah sida Türkiye.



